Den här webbplatsen använder kakor. Genom att fortsätta att använda sidan accepterar du vår hantering av kakor. Stäng

Dhawaan waxa weeye xiligii la noqon lahaa hawlgab

Ma waxaad ka fikireysaa inaad hawlgab noqoto? Hawlgabkaagu waxa uu ka kooban yahay dhowr qeybood iyadoo lacag lagaa siin doono meelo kala duwan. Waxa wanaagsanaan karta la qorsheeyo xili wanaagsan ka hor inataan wakhtiga la gaadhin. Hawlgabkaagu waxa uu ka kooban yahay hawlgabka bulshada, hawlgabka shaqada iyo wixii kale ee hawlgabka gaarka loo galo.

Hawlgabka bulshada

Heyada hawlgabku waxay bixisaa lacagta hawlgabka ee caadiga ah taas oo ka kooban lacagta dakhliga halwgabka, hawlgabka aasaasiga iyo hawgabka dulsaarka ah. Dalabo lacagta hawlgabkaaga saddex bilood ka hor markaad doonayso lacgataada ugu horeysa. Haddii aad ka shaqeysay wadanka dibadiida ayay fiicantey in la dalbado lix bilood ka hor. Waxaad ugu horey qaadan kartaa lacagta hawlgabka markaad buuxiso 61 sanno, waxaanad go'aansanaeysaa inaad wada qaadato dhamaan lacagtaada hawlgabka iyo inaad qeyb qaadatao. Waxaad kala doorataa hal bil lacagteeda, saddex meeloodow meel, kala badh, ama afartii meeloodba hal meel.

Waxaad sida ugu dhibta yar uga dalban kartaa adigoo e-legitimation ku isticmaalaaya bogga pensionsmyndigheten.se. Waxa kale oo aad soo wici kartaa adeega macaamiisha ee Pensionsmyndigheten telefoonka 0771-7760776.

Hawlgabka shaqada

Haddii aad u soo shaqeysay dhow shirkadood oo kala duwan ayaad heli kartaa lacagtaada hawlgabka shaqada oo meelo badan laga soo kala direy. Adiga ayaa dooranaaya markaad doonayo inaad noqoto hawlgab, laakiin haddii aad sii shaqeyso ayuu hawlgabkaagu ka sii sareynayaa. Qeyb ka mid ah hawlgabka shaqada waxa la yidhaa hawlgabka uu kharashku go'aaminaayo, taas waxaad adigu dooratey meesha la dhigaayo. Waxaad adigu dooran kartaa lacag ixinta, ama in lagu siiyo noloshaada oo dhan, ama xili go'an, ugu yaraan shan sanno gudahood. Hawlgabka kharashku go'aamiyo ayaad ugu horeyn qaadan kartaa markaad 55 sanno tahay. La xidhiidh shirkada aad dooratey markaas ayay iyagu kaa caawin doonan sidaad u qaadan laheyd Hawlgabka kharashku go'aamiyo.

Haddii aanad garaneyn shirkada aad dooratey ama aanad hubin sida loo qaadanaayo lacagtaata hawlgabka ayay Valcentralen  kaa caawin kartaa, tag mareegta valcentralen.se.  Waxa kale oo aad soo wici kartaa adeega macaamiisha ee Valcentralen ee telefoonka 0771-44 44 00.

Hawlgabka faa'iidada ku xidhan waa lacag hawlgab oo qofka mushahar badan qaadan jiray ah, iyadoo aanad hawlgabkaa adigu saameyn karin. Taas waxa loo xisaabinayaa marka laga eego inta ku soo gashay iyo inta sannop ee aad shaqeysay. Ma dooran kartid xiliga la bixinaayo hawlgabka faa'iidada ku xidhan, taas waxa la bixinayaa markasta noloshaada oo dhan.

Lacagta hawlgabka ee la shaqeystay ilaa 971231

Haddii aad u shaqeyn jirtey shaqo bixiyey kamuunka ilaa 971231 iyadoo ay aheyd wax ka badan 28 sanno, ayaad markaa xaq u leedey xuquuqda hawlgabka ee la kasbado. Adiga ayaa kaligaa dooran kara sida aad u qaadanayso xuquuqda hawlgabkaaga. Dhamaan, ama iyo marmarka qaarkood qeyb ka mid ah ayaa kumeel gaadh ahaan loo qaadan karaa lacagta hawlgabka ilaa marka 65 sanno la gaadhaayo. La xidhiidh shaqo bixiyahaaga ama qeybta macaamiisha ee Skandia  telefoonka 0771-15 50 55 haddii aad qabto su'aalo ku sabsan xuquuqda hawlgabka ee aad shaqeysatey ama hawlgabka faa'idadu go'aamiso.

Waa inaad adigu shakhsi aan u dalbato hawlgabkaaga shaqada. La xidhiidh shaqo bixiyahaaga, ama waaxda macaamiisha ee Skandias markaas ayay kuu tilmaami doonaan xuquqdaada Ma aha shaqo bixiyaha cida go'aaminaysa hawlgabka, laakiin waa Skandia cida xisaabinaysa ee bixinaysa lacagata hawlgabkaaga shawada.

Xiliga la bixinaayo

Lacagata hawlgabkaaga shawada waxa la bixinayaa 18-ka bil kasta. Haddii uu 18-ku ku hagaago maalin fasax ah ayaa lacagta hawlgabka la bixinayaa maalint shaqo ee ka horeysa.

Waxaad helaysaa macluumaad marka ugu horeysa ee la bixinaayo, markaa kadib waxa lagu siin sanad walba macluumaadka ku shubista ma haddii intuu leegyey is badasho.

Skandia waxay la shaqeysaa Swedbank. Ka hor lacagta ugu horeysa ee lagu siin doono ayaad naga heli doontaa foom ku weydiinaaya koontadaada. Haddii aanad markaa haysan koonto ku taala Swedbanka ayaanu kaa dalbanaynaa inaad soo wargaliso koontada aad rabto in lagugu soo shubo lacagta hawlgabkaaga Waxaad hadda si dhibyar u ogeysiin kartaa Swedbank lambarka koontadaada adigoo boggooda tagaaya hadii kale la xidhiidh mid ka mid ah xarunta bangiga. Haddii Swedban-ku aanu helin macluumaadka bankiga ama lambarka koontada ayaa lacagtaada lagugu siin avi.

Skandia waxay ka qoynaysaa boqolkiiba 30 lacagtaada hawlgabka Haddii aanu nahay shaqo bixiyaha ugu weyn ama haddii aad rabto inaanu cashuur kale kaa koosano, la soo xidhiidh waaxda macaamiisha ee Skandia telefoonka 0771-15 50 55.

Nu kan du välja att få din post digitalt.

Skandikon är ansluten till Kivra.

Intresserad? Klicka på länken och läs mer om hur du lätt kommer igång med din digitala brevlåda.

Är du redan ansluten till Kivra? Klicka här.





Postadress Valcentralen, 106 55 Stockholm
Kontakt Telefon 0771-44 44 00, e-post kundcenter@valcentralen.se