Den här webbplatsen använder kakor. Genom att fortsätta att använda sidan accepterar du vår hantering av kakor. Stäng
Skandikon logotyp

AKAP-KR

AKAP-KR - Hawlgabka da'da ee kharshku ku salaysan ee qeexan oo Wadajir Loogu Heshiiyay.  Dadka u shaqeeya ururada shaqaalaha ee gobolka iyo degmada ayaa iyaguna ku jira AKAP-KR iyo sidoo kale shaqaalaha shirkadaha kamuunka ee ka midka ururada shaqo bixiyayaasha ee Sobona.

Faa'iidooyinka ay AKAP-KR leedey

Waxa AKAP-KR ku jira faa'iidooyinka shaqaalaha oo dhan khuseeya

• tabaruca la bixinaayo ee qeexan

Mushaharka iyo dakhliga lacagta hawlgabka laga bixinaayo

Waxay AKAP-KR mushaharka lacagta hawlgabka laga bixinaayo ku qeexaysa inay tahay sida

• mushahar lagu bixiyo kaash

• mushahar ka baaqday kaas oo ay keentay iyadoo lagu maqan yahay, fasax xanuunka, fasax hooyada umushay, fasaxa waalidka, dhaawac shaqada ka soo gaadhay, ama iyadoo fasax lagu maqan yahay hawlaha wakiilka urruruada shaqada iyadoo aan xaq loo laheyn gunno kale.

Tabaruca la bixinaayo ee lacagta hawlgabka da'da ee qeexan

Waxa uu shaqo bixiyahu sanad walba meel dhigaaya boqolkiiba qeyb ka mid ah mushaharka si loogu daro tabaruca la bixinaayo ee lacagta hawlgabka da'da ee qeexan. Faa'iidada ayaa la kasbadaa iyada oo aan shuruuda da'da ee ugu yar la iskaga baahneyn Tabaruca lacagta hawlgabka da'adu waa

• boqolkiiba 6 mushaharka lacagta hawlgabka laga bixinaayo ilaa iyo boqolkiiba 7.5 qadarka dakhliga ee gundhiga ah

• boqolkiiba 31.5 mushaharka inta u dhaxaysa 7.5-30 qadarka dakhliga ee gundhiga ah ilaa inta aad ka gaarayso da'da qeybta 32 lagu qeexay ee Xeerka Ilaalinta Shaqada, LAS markaas ka dib oo lacagta hawlgabku ay tahay boqolkiiba 6 mushaharka lacagta hawlgabka laga bixinaayo.

Loo shaqeeyaha ayaa tabaruca lacagta hawlgabka da'ada saddexdii biloodba mar bixinaaya. Haddii uu tabaruca hawlgabka boqolkiiba 0.75 ka yaryahey dakhliga gundhiga ah ee muddo lix bilood ah ayuu loo shaqeeyahaagu taas bedelkeeda qadarkaas u dhigma kugu siinayaa mushahar ahaan.

Waxa lacagta hawlgabka da'da ee qeexan la qaadan karaa/la isa siin karaa laga bilaabo da'da 60 sanno jirka. Adiga ayaa dooranaysaa inaad hesho lacag intaad nooshahay oo dhan lagu siiyo ama in xili go'an lagu siiyo, ugu yaraan waa toban sanno.

Dadka shaqaalah ah ee lagu qasbay inay ka soo bedeshaan KAP-KL una soo soo bedeshaan AKAP-KR ee qaata mushahar sanadkii 7.5 ka sareeya qadarka gundhiga ah mudada sanadka 2022-2026 iyo shaqaalah iyagu adoortay inay ka soo bedeshaan KAP-KL una so obedeshaan AKAP-KR ayaa xaq u leh inay helaan dheeraad ah.

Lacag khidmad ah oo dheeraad ah ayaa sannad kasta la bixiyaa taas oo dayn ahaan ah iyadoo kala duwan oo ahna inta u dhaxaysa 0.5-8.5% mushaharka inta u dhaxaysa 7.5 qaddarka dakhliga ee gundhiga ah iyo 30 qaddarka dakhliga ee gundhiga ah.

Waxyaalaha aad kala dooraneyso

Waxaad u baahan tahay inaad doorato:

 • In maalkaaga lagu maalgeliyo caymiska hawlgabka ee caadiga ah ama caymis ku xidhan cutubka

• shirkadda caymiska inay maalkaaga maamusho

• Haddii aad rabto inuu caymisku lahaado caymis kaas oo leh caymiska kaa qabanaaya/ilaalinaaya dib u bixinta iyo haddii kale (waxa doorashadan lagu sameeyay shirkadda caymiska ee aad adigu dooratay)

Waxay Valcentralen.se maamushaa waxaad dooratay iyadoo maaliyada ku wareejin doonta shirkada caymiska ee aad dooratay.

Waxa muhiim ah in wax la doorto maadaama oo ay saameyn doonto qadarka lacagta hawlgabkaaga da'da ee mustaqbalka. Si taxadar leh isagu barbar dhig waxa la soo celinaayoy iyo khidmadaha shirkadaha kala duwan. Waxaad dooratay ee lacagta kharashka caymiska mustaqbalka ayaad xilliga aad doonto beddeli kartaa. Waxaad sidoo kale haysataa fursada aad maalka ilaa hadda aad heshay ugu wareejinayso shirkad caymiska ah oo cusub.  Haddii aanad waxba doorasho ah sameyn ayaa lacagta lagu maalgalinayaa caymis hawlgabka ee caadiga ah kaas oo leh caymiska kaa qabanaaya/ilaalinaaya dib u bixinta oo lala galo KPA Tjänstepensionsförsäkring AB.

Nu kan du välja att få din post digitalt.

Skandikon är ansluten till Kivra.

Intresserad? Klicka på länken och läs mer om hur du lätt kommer igång med din digitala brevlåda.

Är du redan ansluten till Kivra? Klicka här.

Postadress Valcentralen, 106 55 Stockholm
Kontakt Telefon 0771-44 44 00, e-post kundcenter@valcentralen.se